Xukuumadda oo tababar u furtey guddiyada doorashada ee la duray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta bulshada qeybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaareen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM