Xukuumadda oo u jawaabtay Midowga Musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka jawaabtay codadkii ugu dambeeyay ee kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta ka gedaal markii uu dhamaadey muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Maxamed Ibraahim Macalimuu, afhayeenka dowladda waqtiga ka dhacay oo u waramay barnaamijka subaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa ku eedeeyay Musharaxiinta in ay abuurayaan "khal-khal iyo xasilooni darro" arrintaas oo uu xusay "in aysan habooneyn".

"Waad ogtahay dowladii Xasan Sheekh wuxuu waqtiga ka dhamaadey September, 2016, waxaana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la doortey Febraayo, 2017, waqtiga u dhaxeeya halkaas waad ka garan kartaan. Marka waxaa loo baahan yahay in danta shaqsiga ah laga tanaasulo oo midda caamka ah lawada ilaaliyo oo aan shacabka Soomaaliyeed la cabsi-gelin," ayuu Macalimuu ku adkeystay markii wax laga waydiiyey Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in aysan Farmaajo u aqoonaneyn madaxweynaha dalka wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, iyaga oo ku baaqay dhismaha Gole heer Qaran oo ku meelgaar ah kaas oo waddanka ka hirgeliya doorashooyin loo dhan-yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku eedeeyeen in uu xukunka ku joogo "inqilaab dadban maadaama uusan wali xilka ku wareejin afhayeenka Golaha Shacabka oo ah sidda dastuurka uu xeerinayo".

Dhanka kale, Macalimuu ayaa ku nuux-nuux-saday in dowladda waqtiga ka dhamaadey ay diyaar u tahay wadaxaajood ay la gasho dhinacyadda dooda ka qaba doorashooyinka. Tani waxay muujineysaa dabacsanaan laga helayo dhanka Hay'adda Fulinta waddanka.

Afhayeenka ayaa isaga oo aan caddeymo xoojinaya sheegashadiisa soo bandhigin wuxuu qaar kamid ah maamulada eedeeyay in ay "hagal-daacinayaan" geed u socodka doorashooyinka "ayna doonayeen in Farmaajo waqtiga ka dhamaado iyadda oo khilaaf xoogan uu taagan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM