Xukuumadda oo weji gabax kala kulantay magacaabid ay sameysay
MUQDISHO, Soomaaliya – Ururadda Bulshadda Rayidka iyo Qareenadda Soomaaliya ayaa naqdiyey magacaabida Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka oo ay shalay sameysay xukuumadda taladda sii haysa.
Abuukaate Daahir Maxamed Cali Daahir Carab, xoghayaha guud ee Ururka Qareenadda Soomaaliyeed oo qoraal soo saarey, ayaa sheegay in magacaabidaan ay baalmarsan tahay dastuurka iyo shuruucda waddanka.
Sidda laga soo xigtay Mr Carab, xulashadan ayaa dhinacmarsan qodobka 109aad ee dastuurka gaar ahaan farqadda labaad. Sidoo kale, qodobka 6aad, farqada labaad, xarafka E ee sharciga dhisidda Golaha Garsoorka
"Sidaa awgeed, waxaan labada Aqal ee Barlamaanka [Federaalka] ka rajaynaynaa in aysan aqbalin sharci darro," ayuu raaciyey, isagoo caddeeyay in ay dhankooda qaadayaan talaabo kasta oo lagu hor istaagayo arrintaan.
Dhanka kale, war-saxaafadeed Wadajir ah oo kasoo baxay Ururada Bulshadda Rayidka Soomaaliyeed oo lagu diidey magacaabidaas ayaa lagu cuskaday in xukuumadda xilka sii haysa aysan lahayn awood sharciyeed.
"Xukuumadda dhacday waxay fulin kartaa shaqo maalmeedka dowladda, balse awood uma laha magacaabid jagooyin waaweyn sidda xubnaha maamulka Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah loo diray Saaxiibadda Caalamka.
Iyagoo adkeeyay baahida loo qabo dhismahan hay'addaha, hadana waxay xuseen hadii aan la waafujin sharciga ay wiiqmeyso waajibaadkooda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa tibaaxay in markii ugu horeysay ay tahay in xukuumad la kala diray ay magacowdo guddiyo masiiri ah.
"Taariikhda Dastuuriga ah ee dunida kama dhicin Xukuumad xilkeedu sii hayn yahay (Care Taker) oo Sharci u diraysa Gole Shacab, magacaabaysa guddiyo masiiri ah, sida Guddi Adeega Garsoorka, iyo hay’adda shidaalka Qaranka. Waa boob iyo bililaqo weliba boobsiis ah. Waa ku tumasho dastuurka qodobkiisa 97, xarafka 4 iyo xadgudub sharci ah oo aan la aqbali karin," ayuu yiri.
Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "War kuwa hanbada 6da bil ah isku herdinayoow, madaxweyne Farmaajo fariin ayuu idiin soo hormariyey, haddii aad fahmaysaan".
Bishaan July 25-keeda ayay ahayd markii Golaha Shacabka uu kalsoonida kala noqdey xukuumadda, iyaddoo Farmaajo oo ogolaaday uu wacad ku maray in uu sidda ugu dhaqsiyaha badan kusoo magacaabayo ra'iisul wasaare.
Magacaabida Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka ayaa u muuqata mid Madaxtooyadda gedaal ka riixeyso maadaama ay kamid ahayd qodobadii Farmaajo balanqaadey, balse uu ku fashilmay in uu xili hore fuliyo.
GAROWE ONLINE