Xuska maalinta ciidanka oo la baajiyey; Farmaajo oo fariin diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM