Zakariye Ismaaciil: ''waan ka tanaasuley xag-jirnimada''

Image

January 27, 2015 (GO)- Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ah sarkaal horay uga tirsanaa kooxda Al-shabaab balse bishii December ee lasoo dhaafay dowladda isu soo dhiibey ayaa maanta magaalada Muqdisho shir-jaraa'id ku qabtey.

Shirkiisa jaraa'id wuxuu ku shaaciyey inuu ka baxay Al-shabaab kana tanaasuley afkaartii xag-jirnimada ahaa islamarkaana nabad qaatey.

“anigoo ah Zakriya Ismaaciil Xirsi oo ku magac dheer Zaki maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Jan 2015 (Talaado)...waxaan cadaynayaa maanta wixii ka danbeeya in aanan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadi'deyda iyo fikirkaygana aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xalliyo" ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu sheegay in afkaarta kooxda Al-shabaab oo markii hore dad badani ku sirmeen ay yihiin kuwo khaldan lidna ku ah mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo qaranimada Soomaaliya.

Dowlada Federaalka wuxuu uga mahadceliyey sida fiican ee ay usoo dhoweysey, isagoo ballan qaaday hada kadib inuu si dhow ula shaqeyn doono.

Sakariye Ismaaciil  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen.  

Xilal badan ayuu kasoo qabtay kooxda waxaana kamid ahaa: madaxa sirdoonka geeska Afrika, madaxa wilaayaadka (gobollada) iyo abbaanduulaha guud ee ciidamada Al-shabaab. 

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo Sakariye Ismaaciil kamid ahaa.

Bishii December ee lasoo dhaafay ayuu isu soo dhiibey ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

June 7, 2014 waxaa sidan oo kale u shaaciyey inuu isaga baxay kooxda hogaamiyihii hore ee mileeshiyaadka Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM