Maxamed Cumar Carte Khaalib oo "lagu xiray" Hargeysa

Image
Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Cumar lagu qabtey isaga oo sita baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu waramay in ay saldhiga garoonka diyaaradaha Hargeysa ku xireen Maxamed Cumar Carte Khaalid, ra'iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya.

Warar madax-banaan oo laga helayo illo si weyn ugu dhow saraakiisha socdaalka madaarka ayaa sheegaya in Cumar lagu qabtey isaga oo sita baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya.

Bileyska iyo xukuumadda Somaliland ayaan wali wax war ah kasoo saarin xariga lasoo wariyey ee Cumar kaasoo bishii 10aad ee sanadkan ka dagay Hargeysa kadib cafis uu u fidiyey madaxwayne Muuse Biixi.

Cumar oo wali aan si furan uga warbixin cafiska la sheegay in uu ka helay hogaamiyaha maamulka gooni-u-goosadka ah ayaa Hargeysa ka dagay ka gedaal markii lagu wargeliyey xanuunka aabihii.

Sidda ay tilmaamayaan warbixinadda, Mr Carte ayaa sidoo kale wuxuu iska casilay jagadda Xildhibaanimo ee baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya, arrintaas oo ahayd "shuruud ku xirneyd cafiska Biixi".

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Isu socodka siyaasiyiinta Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hareeyay shirkii Jabuuti martigelisay horaantii sanadkan. Wafdiga uu horkacayey Biixi wuxuu si cad uga soo horjeestay qodobkaas.

Maalin Khamiis ah, 25-kii October, sanadka markii uu ahaa 2018-kii, madaxweyne Biixi wuxuu hoyga uu Hargeysa ka degan yahay ku booqdey Cumar Carte Qaalib, booqasho lagu qeexay "is-xog-wareysi kooban".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM