Deni iyo Biixi oo kawada hadlay colaad ka jirta laba gobol: Kaahin

Image
Maamulka Hargeysa ayaa iska fogeeyay in uu hurinayo isku-dhacyaddan soo laab-laabtey.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayneyaasha Puntland iyo Somaliland ayaa kawada hadlay qaboojinta colaad kasoo cusboonaatay qaybo kamid ah goboladda Sool iyo Nugaal, sidda uu sheegay maamulka Hargeysa. 

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa, sida ku xusan warbixinta, isku raacay in ay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa goobaha ay iska-hor-imaadyadu ka jiraa.

Maxamed Cabdi Kaahin, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo kasoo muuqdey warbaahinta la iska arko, ayaa daaha ka rogay in Biixi iyo Deni ay isku aragti ka noqdeen dejinta colaadda.

"Anaga iyo mas'uuliyiinta Puntland waxaanu had iyo goor kawada hadalnaa danaha naga dhaxeeyo. Xuduudka ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Somaliland waxaa noogu soo sugeyso Puntland," ayuu Kaahin carabka ku adkeeyay.

Kaahin oo si gaar ah u carabaabay xabadda laga soo wariyey degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa meesha ka saarey in maamulkiisa uu gacan ka geysaneyo hurinta kuna adkeystay in ay nabada ka shaqeynayaan

"Madaxweynaha Soomaaliya meel wanaagsan kama taagna qadiyada nabadda ah ee Somaliland iyo Soomaaliya. Ayaga kama aqoonsana. Laakiin, waxaan rumeysanahay in ay jirto dowlad Soomaaliya la dhaho," ayuu xusay.

Dhanka kale, madaxtooyadda Puntland ayaan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeeray Kaahin. Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo loo garan-og-yahay SSC waxaa isku haysta labadan maamul oo dhowr jeer ku dagaalamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM