Faysal Waraabe: Muuse wuxuu Somaliland ku diray dalalka dariska

Image
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa markii ugu horeysay u mahadceliyey dowladda Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa si quus ah waxa uu uga hadlay xaaladda ka taagan gobolka Sool gaar ahaan magaala madaxda Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe oo horey uga mid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu mayalka adag gooni-isu-taagga Somaliland ayaa markan waxa uu muujiyey in uu hoos uga soo dabcay qaddiyadaas.

"Haddii Soomaali aan wax la yeelanayno inaga oo mideysan baan la yeelanaynaa, haddii gooni isu taageena aan soo ceshanayno anaga oo mideysan oo caddaalad isku xukuma ayaan haysanaynaa," ayuu yiri.

Mr Waraabe ayaa madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku ku eedeeyay in uu Somaliland ku direy wax uu ku sheegay "dowladihii dariska" gaar ahaan Itoobiya oo uu soo hadal-qaadey.

Dowladda federaalka ah ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tibaaxay "in si aan sax ahayn ugu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood".

Waxa kale oo uu ku baaqay in ciidamo shisheeye oo uu sheegay in ay Sool joogaan ay ka baxaan Laascaanood, wixii tabasho ahna dib looga xaalo si wadajir ah.

Ugu dambeyntii, Faysal ayaa markii ugu horeysey u mahadceliyay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka shan-qariyey in ay ka shaqaynayso sidii xal loogu heli lahaa dagaalada Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM