Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa maanta u kicitimay safar shaqo oo socon doona muddo saddex cisho ah, isaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Cirro iyo Madaxweyne Geelle ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo la xiriira danaha labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Xiriirkii Jabuuti kala dhaxeeyay maamulka Somaliland ayaa xumaaday sanadkii hore oo xukuumadii Muuse Bixii ku eedeysay Ismaaciil Cumar Geelle inuu marti-geliyay shaqsiyaad ka shaqeynaya dhismaha Awdal State.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM