Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay isbaheysi
HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay isbaheys siyaasadeed kulana wareegayaan guddoonka Golaha Wakiilada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.
WADDANI iyo UCID ayaa magacaabay guddi ka kooban min shan xubnood kaasoo ka shaqeynaya meelmarinta hadafkaas ayaa wadar ahaan xeerdejinta waxay ka heleen 51 xubnood.
"Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka," ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo ay soo saareen.
War-saxaafadeedka ayaa intaas la raaciyey: "Labada Xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah".
Natiijooyinka hor-dhaca ah ee doorashooyinka golaha wakiilada waxay muujinayaan in xisbiga talada haya uu qarka u saaran-yahay inuu lumiyo kursiga looga arimiyo Somaliland.
Tani waxay luminaysa rajadii madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku doonayay inuu xilka ku guulaysto mar labaad. Balse, waxay u badan tahay in uu loolan xoogan kala kulmi doono hogaanka mucaaradka.
Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse waxaa dunida u aqoonsan tahay maamul xubin ka ah dowlada federaalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso bayaanka
GAROWE ONLINE