Qadiyada magaalada Laascaanood oo "mar-xalad cakiran" gashay

Image
Dadka aamusan ee illaa haatan aanan caddeyn aragtidooda waxaa kamid ah hogaanka Puntland iyo dowladda federaalka.

HARGEYSA, Somaliland - Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay wax uu ku sheegay "dedaalkeeda dhexdhexaadinta qadiyadda Laascaanood".

Dhawaqan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli uu xarunta gobolka Sool ka soconayo shir ciwaan looga dhigay "aayo-ka-tashiga gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn" ee Puntland iyo Somaliland isku-hayaan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu waramay in uu intii muddo ahba si hoose ugu lug lahaa isku dayo isfaham looga dhex abuurayo labada dhinac, isaga oo isticmaalaya doorkiisa dhexdhexaadnimo ee wadahalada Somaliland iyo dowladda federaalka ee hakadka ku jira muddo.

Inkasta oo dadaalkaas uu sameeyay madaxwayne Geelle, haddana Somaliland ayaa lagu waramayaa in ay ciidamo iyo gaadiid dagaal ku daabuleyso Laascaanood kahor dhamaadka shirka soconaya.

Geelle ayaa la rumeysanyahay in uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi illaa xad ku cadaadiyey in uusan xaaladda gaarsiinin heer dagaal, isagana uu dhanka dowladda federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh kasoo xalin doono in miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Dhawaqa Geelle iyo IGAD ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan Muqdisho ka dhacay shir ay ka qeybgaleen hogaamiyeyaasha Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Soomaaliya kaasoo lagu adkeeyay midnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, wali ma jiro hadal rasmi ah oo dhinacyadda ku shiraya Laascaanood ay ku caddeeyeen mowqifkooda "dhexdhexaadinta" Geelle iyo urur goboleedka iGAD marka laga reebo shaqsiyaad diidmo ka muujiyey.

Siyaasiyiin horey u soo qabtey xilal hore iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa dhankooda ku kala qeybsamay kaalinta Geelle iyo IGAD. Qaar ayaa taageeray kuwa kalana way kasoo horjeesteen.

Dadka aamusan ee illaa haatan aanan caddeyn aragtidooda waxaa kamid ah hogaanka Puntland iyo dowladda federaalka wallow ay horey u sheegeen in ay taageerayaan nabada iyo midnimada Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, ma cadda natiijadda kasoo bixi doonto mar-xalada cusub ee ay yeelatay xaaladda Laascaanood iyo dhinacyada kala duwan ee danaha ka muujiyey iyadda oo aad loo sugayo maxsuulka shirka bilowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM

Madaxwayne Cirro oo soo dhisay xukuumada cusub ee Somaliland

Golaha Wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood kuwaas oo badankood xubin ka ah xisbiga Wadani.

  • Somaliland

    14-12-2024

  • 12:54PM