Saraakiil watay baasaboorka Somaliland oo laga celiyey Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Laba ka mida shaqaalaha Isbitaalka Dr Adna Aadan oo ka ambabaxay Hargeysa kuna sii jeeday Kenya ayaa waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay Transit ku ahaayeen.
Markii ay ku xayirnaayeen Muqdisho muddo 3 maalmood ah, maanta ayaa dib loogu celiyey degaankooda, baasaboorkoodii Somaliland waa jeexjeexay, sida ay sheegeen illo wareedyo kala duwan.
Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadan. Maamulka garoonka Aadan Cadde wuxuu diidey in uu tafaasiil guud ka bixiyo sababta iyo qaabka ay u dhacdey arrintaan.
Adna Aadan, oo ah maamulaha guud ee Isbitaalka Dr Adna oo kasoo muuqatay warbaahinta muuqaalka ayaa si xoogan u cambaareysay falkan, waxaana ay ku tilmaamtay "fal baalmarsan shuruucda dunida".
Maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho oo sidoo kale aan ka jawaabin codsiyo dhowr ah oo Garowe Online u diray ayay ku sifeysay "kuwa aanan waxba ka garaneyn shuruucda caalamka.
"Maalin walba waxaa madaarka Hargeysa Transit ku mara dad badan oo wata baasaboorka Somalia, waxba lama yeelo si xushmad leh ayaa loola dhaqmaa, safarkoodana ay u sii wataan, waa nasiib daro dhibaatada loo geystay shaqaalaheena oo aan u socon Muqdisho, balse ku aha transit oo kaliya," ayay hadalkeeda ku dartay Dr. Adna Aadan Ismaaciil.
Mrs Adna oo "qafaalasho" ku tilmaamtay dhacdadan ayaa aaminsan in "alle mahadii ay tahay in saraakiishan caafimaad ay soo gurya noqdaan ayaga oo nabad-qaba oo aan waxyeelo ba'an loo geysan".
Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostagga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
GAROWE ONLINE