Somaliland: Xisbiga Waddani oo kahor yimid Heshiiska Kulmiye iyo UCID

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga Mucaaradka Somaliland, ayaa kasoo horjeystay heshiis ay si wadajir ah uga gaareen Kulmiye iyo UCID doorashadooyinka Goleyaasha degaanka iyo Aqalka Wakiiladda.

Xisbiga Waddani ayaa warmurtiyeed uu maanta soo saaray ku sheegay inay ku adkaysanayaan in la kala diro guddida doorashadda, lana soo dhiso Guddi cusub, oo dhinacyada kuwada qanacsan yihiin.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ay sheegey in doorashada la gelayo bisha November ee sannadkan, islamarkaana guddida hadda jooga ee doorashaduna ay qabanayo.

Waddani waxuu sheegay in aanay suuro gal ahayn doorasho laba xisbi ah in ay Somaliland ka dhacdo, wuxuuna ugu baaqey Madaxweyne Muuse Biixi inuu la yimaado qorshe kale oo xal u ah Somaliland.

Xisbiga ayaa xusay in xisbiyadu kala madax bannaan yihiin aragti ahaan, islamar ahaantaana ay tahay in lagu wada shaqeeyo shuruucda iyo wixii lagu heshiiyo maaddaama Somaliland ku shaqaynayso dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

Caqabado ayaa hor taaggan in ay qabsoomaan doorashooyinka Goleyaasha Degaanka Iyo Wakiillada Somaliland oo hore dib u dhacyo ugu yimid, iyadoo haatan ay muuqato in Xisbiyadda isku mari la'yihiin hanaanka doorashadda iyo wadada loo marayo.

UCID iyo Kulmiye ayaa soo saarey war-saxaafadeed, oo ay ku shaaciyeen in doorashadda la qabanayo bisha 11-aad. [Halkan ka akhri war-murtiyeedka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM