Soomaaliya: Muxuu ahaa Balan-qaadkii lagu doortay Faratoon?

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa maanta ku guuleystay xilka Afhayeenka Golaha Wakiilada Somaliland, kadib doorsho ka dhacday Magaalada Hargeysa oo ay ku tartameen laba musharax oo golaha ka tirsan.

Doorashada Golaha Wakiilada ayaa ku qabsoomtay jawi xamaasad leh, iyadoo mucaaradka ay isku dayeen inay soo saaraan musharaxooda Maxamed Khadar Daahir.

Codeynta ayaa u dhacday qaab gacan-taag ah, waxaana jagada Guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Faratoon ayaa doorashada kaga guuleystey musharaxa la tartamaayey ee ah Xil. Maxamed Khadar, isaga oo helay 46 cod, halka Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod. Sidaas ayuuna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland ku dhawaaqay natiijada.

Doorashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Somaliland ay ka taagan tahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo salka ku haya hannaanka doorashada. Faratoon ayaa balan-qaadey inuu xalin doono colaadda LaasCaanood.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa 11 bishii June ee sanadkan iska casilay xilkiisa, sababo la xiriira dagaalada ka socda magaalada Laascaanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM