UN-ka oo ku baaqay in ciidanka Somaliland ka baaxaan Laascaanood

Image
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyey xal nabadeed.

HARGEYSA, Somaliland - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa shir gaar ah waxa ay ka yeesheen qadiyadda Laascaanood waxaana ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku jiraan qodobo xasaasi ah.

Bayaanka ayaa walaac looga muujiyay colaadda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, kuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka iyo in ay magaalada ka hayaamaan ciidamadda Somaliland.

"[Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay] waxa uu dhamaan dhinacyadda ku boorinayaa in ay ka fogaadaan rabshado kale oo gacan ka hadal ah," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka golaha.

Hogaanka dhaqanka SSC-Khaatumo oo war-saxaafadeed kusoo dhaweeyay mowqifka Golaha Ammaanka ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay dhankooda diyaar u yihiin fulinta baaqan.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay ku daabacdey ciwaankeeda gaarka ah ee Twitter-ka waxay kusoo dhaweysay hadalka kasoo yeeray Golaha Ammaanka.

In ka badan 300 qof ayaa ku dhimatay dagaalka. Illo degaanka waxay sheegeen in badi marxuumiinta ay galaafatay madaafiic ay Somaliland ku garaacdey Laascaanood.

Meelaha la beegsadey waxaa kamid ah xarumo dan guud ah sidda Isbitaalo taas oo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay u aqoonsadeen "dambiyo dagaal," kuna tartarsiiyey Somaliland in ay joojisay duqeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM