Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka dhacay Johannesburg

Image
Kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday arrimo uu kamid yahay hal-ku-dhiga sanadkaan ee Midowga Afrika.

CAPE TOWN, South Africa - Shirka Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika oo ay ka qeybgaleen mudanayaasha Soomaaliya ku matala ayaa waxa uu maanta ka qabsoomay magaaladda Johannesburg.

Kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday hal-ku-dhiga sanadkaan ee Midowga Afrika ee ah dardargelinta hirgelinta aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay sidii Afrika ay u gaari laheyd isku filnaasho wax-soosaarka cuntada ah iyo ladagaalanka musuqmaasuqa iyo nabadgalyo xumida ay argagixisadu sababtay.

Mudanayaasha Soomaaliya uga midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo kala ah Xil. Aden Mohamed Nur (Saransoor), Xil. Abdurahman Mohamed Hussein (Odawaa) Xil. Zamzam Muhammed Omar (Gobsan) iyo Xil. Mohamed Jama Mursal (Geelle) ayaa ka warbixiyay kulankaan gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Afrika ugu qabsoomay Xaruntiisa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

Baarlamaankaan Pan-Afrika oo ah baarlamaan uu leeyahay Midowga Afrika oo ay 54 dal xubno ka yihiin ayaa la rajeenayaa inuu sharci dajiye rasmi ah noqdo marka ay xeerkiisa saxiixaan 28 dal oo afrika ah, iyadoo ay haatan saxiixeen 14 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM