Soomaaliya: Qaraxyo ka dhacay goobo ganacsi

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xalay fiidkii hore waxaaa bam gacmeed lagu tuurey BTS ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ku leedahay deegaanka Muusaaaley ee Ceeelasha Biyaha. Inta la ogyahay ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan.

Weerarkan   ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax noociisa lagu sheegay miino jidka lagu aasay oo habeen hore ka dhacay  ka soo horjeedka laan ay shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka.

Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah uu sababay   qaraxaasi ,  waxaase  burbur xoogan uu gaadhay dhismaha  xarunta. Dadka deegaanka ayaa si wayn ugu tiirsan adeegga xaruntani bixiso.

Lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan,  iyo dad loo soo xirey falalkaas.

Related Articles

Madasha Somali Business oo si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho [Sawirro]

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale.

  • Wararka

    07-08-2025

  • 07:16PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM