SSC-Khaatumo iyo Turkiga oo iska wareystay xaaladda Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa booqasho shaqo ku tagay safaaradda Dalka Turkigu ku leeyahay Dalkeenna Soomaliya ee Muqdisho.
Hoggaamiyaha waxaa si diirran ugu Soo dhaweeyay Safaaradda Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.
Hoggaamiyaha iyo Safiirka Turkiga ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xaaladaha deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.
GAROWE ONLINE