Tirada askarta AMISOM ee lagu dilay weerarada AlShabaab

Image

ADDIS ABABA, Ethioipia – Warbixin dhowaan la daabacay ayaa waxaa lagu shaaciyey tiradda askarta AMISOM ee lagu dilay weeradda ka yimaada AlShabaab.

Xoogaga Midowga Afrika oo dalka soo galay sanadkii 2007-dii ayaa waxay ka kala socdaan dalalka; Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Askarta oo isugu jira milatari iyo boolis ayaa waxaa waajibaadkooda uu yahay nabad-illaalin iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

Gobolada qaar ee wadanka ayey ka howlgalaan, waxaana ay la kulmaan weeraro xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah.

Qormadda cusub oo lagu soo xigtay illaa iyo shan illo wareed ayaa lagu xusay in khasaaraha soo gaarey intii u dhaxeysay March 2007 iyo December 2018.

Tiradda dhimashadda oo aanan loo kala qaad-qaadin dalalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaareyso ku dhowaad laba kun oo askar ah.

"Dhimashada AMISOM tan iyo markii ay Soomaaliya galeen ayaa waxaa lagu qiyaasayaa 1,483 iyo 1,884," ayuu yiri Prof Williams oo warbixinta qoray.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan tirakoobkan oo illaa iyo haatan laga hayo dhanka howlgalka nabad-illaalinta ee AMISOM oo diidey in ay ka hadlaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM