Xamse: Waa laga heshiiyey qodobadii ugu muhiimsanaa dastuurka

Image
Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah ayuu hadalkan u sheegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa waxa uu kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah.

Xamse ayaa, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa warfaafinta, waxa uu  tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka.

"Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa waxa uu carabka ku dhuftey "in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka".

"Ra'iisul Wasaaraha oo is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan wada-xaajood siyaasadeed, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla," ayaa la raaciyey bayaanka.

Shanta kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran ayuu tibaaxay looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha hoose, Federaaleynta Garsoorka, qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayuu ku bogaadiyey sida ay durba uga howlgalaan masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM