Xildhibaano dhaliilay Dr.Cabdiwali Gaas
Qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Gobaladda Sool iyo Sanaag oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magalada Garowe ayaa dhaleeceeyay socdaalkii uu Siilaanyo Axadii ku tagay magalada Laasqoray ee Gobalka Sanaag iyo jawaabtii ay xukumadd ka bixisay.
Kulankan oo ka dhacay Hotelka Rugsan ayaa waxaa ay diiradda ku saareen waxqabadka xukumadda laga sugayo iyo in laga dhabeeyo balanqaadkii doorashada lagu galay ee ahaa in isbadal muuqda oo hormar wata Puntland heli doonto.
Xildhibaanada saxaafada la hadlay waxaa ka mid ahaa Cali Dhagacade wuxuna sheegay inay ka xun yihiin socdaalkii Siilaanyo ee Laasqoray iyo waliba jawaabtii uu wasiirka warfaafinta ka bixiyay.
''Waxan canbaraynayaa marka hore qolada ka timi Waqooyi ee kusoo xad gudubtay dhulka Puntland,waxan kaloo aad uga xun nahay jawaabtii ay ka bixiyeen xukumadda Puntland socdaalkii Siilaanyo mana ahan mid munaasib ah oo na qanciyay''Cali Dhagacae oo sii hadlayay ayaa yiri ''waxanu ka filaynay dowladda hadalo kulul iyo in laga sameeyo isbadalkii Cabdiwali iyo Cabdixakiin ay xukunka ku qabteen waayo iyagu shaararkoodu way cad cad yihiin''.
Sidoo kale Xildhibaanadaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waraysi uu madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas Jabuuti ku siiyay VOA kaasoo ahaa in Gobaladda SSC ay u baahan yihiin Gargaar.
''Hadalkii uu Jabuuti ka yiri nama qancin haddaanu xildhibaanada Sool iyo Sanaag nahay muwaacino ayay dadkaasi u baahan yihiin annaga iyo Somaliland waxba iskuma hayno,waxan u sheegaynaa madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa annaga iyo SL waan is haynaa dhul bay xoog ku haysaan mana yeelanyno inta qof naga nool yahayn dad xero ku yirana ma nihin'' Xildhibaan Cali Dhagacade ayaa yiri.
''Hadaladii Cabdiwali olalaha ku galay waxaa ka mid ahaa Laascaanood faataxo laguma qabsan laguna soo celin maayo,hade waxan lee yahay Cabdiwali iyo Cabdixakiin idinkoo raali ah bal dhulkii intii la idinku yimi ee aan cadowga haysan ha la idinku yimaado Laasqoray iyo Baran cadow ma haysan bal yaan dhul cusub la qabsan''.
Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid wuxuna sheegay madaxda dowladda in looga baahan yahay inay si dhab ah uga jawaabto xaalada Gobaladda SSC iyo sidii wax loogu qaban lahaa wuxuna tilmaamay in gobaladaasi ay mucaawino u baahnayn balse loo baahan yahay adkaynta xaduudaha Puntland.
Kulankan ay maanta iskugu yimaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu dabo socdaa ka dib markii maalintii axada ee lasoo dhaafay uu socdaal magalada Laasqoray ku yimi madaxwaynaha mamulka la magac baxay Somaliland.
GAROWE ONLINE