Howlgal laga fulinayo xeebaha Galmudug oo lagu dhawaaqay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa duleedka Dhuusamareeb kula kulmay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga.

Maxamed Abuukar Islow ayaa saraakiisha kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si xoreeyo deegaannada Galmudug ee wali AlShabaab ay ka waddo "gummaadka ummadda Soomaaliyeed".

Howlgaladaasi ayaa sidoo kale waxaa ujeedkooda lagu sheegay in ay qayb ka tahay si loo hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Dhismaha marsadan oo dhowaan bilaabaneysa ayna fulineyso dowladda Qadar ayaa waxaa la sheegay in ay ku baxeyso aduun lacageed dhan 170 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ka dhexeysana "ay argagaxisaduna ku abuurtay cabsi iyo welwel joogta ah".

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada Khawaarijtu ay wali ummadda ku dhibaateyneyso.

Islow oo caddeeyay in hoggaanka dalka ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM