Beesha Caalamka oo hadashay heshiiska lagu gaarey Shirkii Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.
Waxay sheegeen in la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo.
Doorashadda waxay ku baaqeen inay noqoto natiijadeeda mid lawada aqbali karo dhamaan dhinacyada siyaasadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
GAROWE ONLINE