HSF oo sanadkii 2-aad Taaba Galisy Guur wadareedka Dhalinyaro Baahiyaha Gaarka Qaba

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waa mid kamid ah dhacdooyinka dhaxalgalka ah ee lagu xasuusan Doono Hormarinta qoyska, waxaaa la sameeyay aasaaska qoysas Ka kooban Dhalinyaro baahiyaha gaarka qaba.

Waxaa Munaasabadan kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa'udiin, Bahda waxbarashada, Axsaabta Siyaasada, Mas'uuliyiin ka socota dowalada, iyagoo bogaadiyay guur wadareed loo sameeyay 10 dhalinyaro oo baahiyaha gaarka qaba kana kooban Wiilal iyo gabdho.

Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ayaa door weyn ka qaadatay dhisida qoysaskan, iyadoo ku Kharash gareesay ilaa $25,000 oo Doolar, waxaana soo abaabshay Xarunta Hormarinta Qoyska ee Guryasamo oo sanadkii labaad qabatay Barnaamijkan Guur wadareedka loogu sameenayo Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka Qaba.

Gudoomiyaha hay'ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha ururada Bulshada Raydka Cusmaan Muxudiin Tahliil Shaatax, Gudoomiyaha ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed Daahir Xasan, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Dalka Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ka hadlay munaasabda Meherka ayaa muujiyay Sida ay ugu faraxsanyihiin in ay goob joog ka ahaadaan munaasabada sida wadajirka ah loogu dhisayo ilaa shan qoys oo ay ku midoobayaan dhalinyaro baahiyaha gaarka qabta, iyagoo ku amaanay hay'ada Hormuud Salaam Foundation Doorka ay ka qaadatay dhisida Qoysaskan.

Gudoomiye Ku xigeenka Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ee gacanta weyn ka geysatay bixinta kharashaadka Guur-wadareedka Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ka hadlay munaasabada meherka ayaa dul-istaagay kaalinta hay’ada Hormuud Salaam Foundation ay ka qaadato hormarinta bulshada iyo wax ka qabashada Baahiyaha Bulshada.

Sheekh Cabdil Xayi Xaaji Aadan oo kamid ah mas'uuliyiinta Xarunta Hormarinta Qoyska oo isna kahadlay munaasabada Meherka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay dhisida qoyska, isagoo hay’ada Hormuud Salaam Foundation uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadatay taaba galinta Guur wadareedkan.

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Federaalka Sheekh Cumar Cali Rooble iyo wasiirada Haweenka iyo Hormarinta Qoyska Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo gabagabadii Munaasabada Meherka kahadlay ayaa bogaadiyay Guur wadareedkan.

Waa sanadkii labaad oo hay'ada Hormuud Salaam Foundation maalgaliso Guur wadareedka Dhalinyarada baahiyaha gaarka qaba oo ay soo agaasintay xarunta Hormarinta Qoyska Ee Guryasamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM