Xukun lagu riday dagaalame Al-Shabaab oo maleegay 7 qarax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo 7 miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Waxa uu Al-Shabaab ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii $200.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) xabsi daa’in, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunkasanaha haysta fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga Ogol yahay.

Related Articles

Xukunka laga soo saarey dil ka dhashay Kaararka Barakacayaasha

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

  • War Saxaafaded

    19-09-2024

  • 01:31PM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda Xamza ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo , islamarkaana ay shaqadeedii noqotay mid Xafiiska Madaxweynaha laga hago.

  • War Saxaafaded

    27-07-2024

  • 02:34PM