Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayo oo ka degay Kismaayo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka degay magaaladda Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubbaland.

Ducaale ayaa hogaaminaya wafdiga Kenya ee ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], taasoo maanta lagu wado in ay qabsoonto.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle kusoo dhaweeyay Aadan Barre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin mas'uuliyiin kala duwan.

Aadan Barre ayaa wuxuu ku biirayaa madaxda kala duwan oo badankooda ah Soomaali, kuwaasi oo munaasabadaas ka qeybgalkeeda u tegay magaaladaas dekadda leh.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dhamaan wadooyinka soo gala magaaladda lagu arkayaa ciidamo kala duwan, kuwaasi oo nabad-gelyadda xaqiijinaya.

Socdaalka Aadan Barre ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa iyadda oo xukuumadda federaalka ah ay mamnuucday duulimaadka tooska ah ee Kenya iyo Soomaaliya si lamid ah midka Jubbaland.

Talaabadaas ayaa timid xili maalin kahor ay xukuumaDda qaaday, taas oo u suurtogelisay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif Axmed iyo siyaasiyiin kale in a tagaan Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM