Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo dib loo howlgelinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Soomaaliya ee caasimada Kenya ee Nairobi ayaa shaqooyinkeeda caadiga ah waxay dib u bilaabeysaa Isniinta todobaadkan, 5-ta July, 2021, sidda uu shaaca ka dhigay danjiraha xukuumadda Muqdisho.

Maxamuud Axmednuur Tarsan oo u waramay warbaahinta ayaa daaha ka rogay in howladeenada safaaradda ay diyaar u yihiin in ay u adeegaan tiro kasta oo maalintaas timaada.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay soo xaadiraan waqtiga shaqada ee safaaradda taasoo bilaabaneysa ugu yaraan saddexda aroornimo waqtiga Geeska Afrika.

Dhanka kale, diblumaasiga ayaa ka dhawaajiyey in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay "mid aanan marnaba ogeyn" balse wuxuu qiray in xilliyada qaar is-faham-waa yimaado.

"Kenya iyo Soomaaliya xiriirkeenu marna waa kor marna waa hoos. Laakiin waxaan kala go’eyn isu-socodka labada shacab. Taas oo mararka qaar xoojineysa in xiriirka uu yahay mid xoogan oo an kala go’eyn," ayuu ka dhawaajiyey.

Xukuumadda Nairobi ayuu uga mahadceliyey marti-gelinta Soomaali badan oo qaxooti ah kuwaas oo kalkii dambe si weyn uga faa’iideystay fursadaha dhanka ganacsiga ah.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa dhowaanhaba waxay hawada isku marinayeen eedeymo ku saabsan faragelinta arrimaha gudaha iyo xadgudubyo dhanka hawada iyo diblumaasiyada taasoo kusoo dhamaatay in xiriirka la isku jaro isla markaana lana soo celiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM