Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Image

NAIROBI – Madaxweyne Ruto oo Wada-hadallo Taleefan la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio, waxayna ku heshiiyeen Qorshe Cusub oo Qaramada Midoobay ku taageerayso Haiti

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa wada-hadallo muhiim ah oo dhanka taleefanka ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Marco Rubio, saacado kadib markii Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay soo saartay digniin safar oo ku aaddan Kenya.

Wadahadalladan, sida uu Ruto sheegay, waxay diiradda saareen arrimo badan oo labada dal khuseeya, gaar ahaan sidii Mareykanka iyo Kenya ay iskaashi uga yeelan lahaayeen taageeridda howlgalka nabad ilaalinta Haiti oo weli aan caddayn jihada uu u socdo, xilli la jooggo bishii Agoosto 2025.

"Waxaan khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Marco Rubio, waxaana isla falanqeynay arrimo muhiim u ah labada dal, gobolka iyo dunida," ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah oo Qaramada Midoobay ku taageerto howlgalka MSS (Multinational Security Support) ee Haiti, si loo xoojiyo dadaallada lagu xasillinayo dalkaas dhibaateysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM