Skip to content

Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo sii kordhaysa

La cusbooneysiiyay ยท 21 Nof 2026

UAE & Somalia

๐Ÿ”ด Live | Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo sii xoogaysanaysa โ€“ Go'aanno diblomaasiyadeed, eedeymo iyo jawaabaha Abu Dhabi.

Wararka tooska ah

2 war cusub

21 Nof

๐Ÿ”ด LIVE UPDATE | La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo eedeymo cusub u jeediyey Imaaraadka

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa faahfaahin ka bixiyey walaaca Dowladda Federaalka ee Waqtigeeda dhamaaday oo ku saabsan xiriirka Imaaraadka Carabta iyo heshiisyada uu la leeyahay maamullada dalka, gaar ahaan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Aweys ayaa sheegay in arrimahaasi ay saamayn ku yeelan karaan amniga qaranka iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Garowe Online

21 Nof

๐Ÿ”ด LIVE UPDATE | Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay Dowladda waqtigeeda dhammaaday

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Dowladda waqtigeeda dhammaaday ay khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta uga dhuumanayso xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaanka ayaa yiri:

"Xasan Sheekh wuxuu Imaaraadka kaga dhuumanayaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka."

Garowe Online