Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Image

Islamabad – Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarado dagaal oo ay leedahay Hindiya, kaddib markii ay sheegtay in diyaaradahaasi duqeyn ka geysteen gudaha dhulkeeda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Pakistan ayaa ku tilmaamay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka, wuxuuna ku hanjabay in Pakistan ay si buuxda uga jawaabi doonto weerarradaasi.

Warbaahinta dowladda Pakistan ayaa soo xigatay saraakiil ciidan oo sheegay in mid kamid ah diyaaradaha la soo riday, halka diyaaradii kale ay ku laabatay gudaha Hindiya.

Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay, iyadoo dhowr kale ku dhaawacmeen duqeyntii ka dhacay Pakistan, inkastoo khasaaraha dhabta ah aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

Labadan quwadood ee ku hubeysan hubka nukliyeerka ah ayaa horay ugu dagaallamay gobolka Kashmir, oo ah is-mariwaa siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Hindiya iyo Pakistan oo Dib u Bilawday Markii la jebiyay Xabad-joojinta

Hindiya waxay sheegtay inay weerartay sagaal xero oo ay ku tilmaantay "xerooyin argagixiso" oo ku yaalla Pakistan Arbacadii.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 05:08AM

RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 09:39PM