Trump oo faafinaya xogo ku saabsan dil loo geystay Madaxweynihii Mareykanka 1963

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixinnadii ugu dambeeyey ee ku saabsan dilkii Madaxweynihii hore ee John F. Kennedy (JFK) – kiis ilaa maanta ay soo jiidanayso xogo iyo shaki badan in ka badan 60 sano kadib.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay amar fulineed oo ka yimid Madaxweynaha Donald Trump, kaas oo faray in dhammaan faylasha la qariyay ee kiiskan in la shaaciyo.

Khubarada ayaa hadda si taxaddar leh u eegaya warbixinnada, iyadoo qaar ka mid ah aan wali si buuxda loogu daabicin internet-ka. Waxay sheegeen in hawshu qaadan doonto waqti, islamarkaana aysan rajeynayn inay helaan waxyaabo waaweyn oo cusub.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u soo saartay boqolaal kun oo dukumiinti oo ku saabsan kiiskan, laakiin qaar ka mid ah ayaa laga qariyey sababo la xiriira arrimaha amniga qaranka. In badan oo ka mid ah shacabka Mareykanka ayaa weli aaminsan in qofka rasaasta ku dilay Kennedy, Lee Harvey Oswald, uusan kali ku ahayn falkaas.

Kennedy waxaa lagu toogtay inta uu ku jiray booqasho magaalada Dallas, Texas, taariikhdu markay ahayd 22kii Nofeembar 1963.

Trump ayaa horey u sheegay in 80,000 oo bog oo fiilka kiiskan ku jiray lala wadaagi doono shacabka Mareykanka, si wax badan uga ogaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Sharciga Ka Qaadaya 530,000 Muhaajiriin ah 

Sida ku cad siyaasadda Trump ee la hirgeliyay January 2025, "expedited removal" waxaa loo adeegsan karaa muhaajiriinta.

  • Caalamka

    24-03-2025

  • 07:53AM

Iraq oo war kasoo saartay isku-daygii dilka Xasan Sheekh

Wasaaradda ayaa si cad u sheegtay in Ciraaq ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

  • Caalamka

    22-03-2025

  • 01:44PM