Xuutiyiinta oo cambaareeyay go’aankii Mareykanka

Image

SANCA, Yemen – Hogaamiye ka tirsan xoogaga Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay talaabadan uu falaagadan gacansaarka la leh Iiraan uu ugu aqoonsaday koox argagixiso ah kahor inta uusan xilka wareejin Donald Trump.

"Siyaasada maamulka Trump iyo dhaqankeeda waa argagixiso," ayuu Twitter-ka kusoo qoray Mohammed Ali al-Houthi. "Waa xuquuq aan leenahay in aan ka jawaabno talaabo kasta uu qaado maamulka Trump iyo mid kale".

Wuxuu ku daray: "Dadka Yemen waxba uma dhimi doonto talaabada [madaxwenaha Mareykanka Donald] Trump iyo maamulkiisa xilli ay dileen boqolaal Yemeniyiin ah halka ay kuwa kale ay gaajo bideen".

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa cambaareeyay talaabada Washington, waxaana uu sheegay in argagixiso loogu aqoonsaday Xuutiyiinta aysan waxba u dhimi doonin howlgaladooda.

"Waa iska cadahay in talaabooyinka noocaan ah loogu talagalay in looga sii daro xaalada," ayuu Tehran ka sheegay Saeed Khatibzadeh.

Wuxuu intaas raaciyey: "Albaabada wadahadalka wali waa laga fog-yahay, waxaana cawaaqibka mas'uul ka ah cidda kalkii hore keentay".

Yemen, oo ah dal dhaca Jaziirada Carbeed, ayaa la rumeysan yahay in uu yahay waddanka ugu balaaran ee dhibaato bini'aadanimo ay ka jirto, waxaana la sheegay in 30 milyan ruux ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sadiq Khan: Muxuu Trump igu mashquulay anigoo duq magaalo ah, oo qol uga degay Maskaxdiisa?

Balse Sadiq Khan ayaa isagu jawaabtiisa ku sheegay: “Waxaan si weyn ugu faanayaa horumarka aan ka sameyneyno magaalada London.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 11:52AM

Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka.

  • Caalamka

    24-09-2025

  • 08:12AM