Madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Deni oo Ina Adeerkii wakiishay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa Dastuuriga sii dhamaanayo ee Siciid Deni ayaa, Cabdulaahi Maxamed Barre [Caato] u magacaabay xubinta guddiga PEC oo sharci ahaansihiisa lagu muran-san yahay ku matalaya ururkiisa KAAH.

Caato oo ay Deni isku qoys hoose yihiin ayaa caan ku ah in uu baraha bulshada ka aflagaadeeyo cid walba oo dhaliisha Deni.

Falcelin layaab leh ayaa ka dhalatay sababta Deni oo inta badan bulshada u sheega in qabyaalada la iska daayo uu u magacaabay ina adeerkii.

Horey Deni ayaa Caato ula doonayay in uu ka dhigo gudoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka ah ee PUNSAA balse taasi waa ay u suurto gelisay markii lagu tilmaamay " mid aan khibrad maamul lahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM