AFRICOM oo ka warbixisay duqeyn cusub oo lala eegtay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu wariyey in uu maanta duqeyn cusub ka fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgalka waxaa laga fuliyey nawaaxiga magaaladda Janaale, halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno ka Al-Shabaab ah.

Warka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xusay in shan dagaalame oo kamid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida lagu dilay weerarkaas.

Bayaanka ayaanan lagu soo qaadin magacyadda xubnahaas iyo xilalka ay ka hayeen kooxda.

Si lamid ah, qoraalka ayaanan lagu caddeynin hadii uu jiro waxyeelo shacab kasoo gaarey howlgalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda dowladda Mareykanka oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka maleeyshiyaadka argagixisada ah.

Shalay ayay ahayd markii duqeyn isla Janaale lagula eegtay Al-Shabaab looga khaarijiyey afar dagaalame, oo Dowladda Soomaaliya shaacisay in ay ku jireen saraakiil aysan carabaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo si kulul u cambaareysay faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo

Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-10-2025

  • 08:32AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM