Booliska Soomaaliya: Cabdirashiid Janan wuxuu ka baxsaday xabsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in uu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga dowlad goboleedka Jubaland.

"Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan [Janan] ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa," sidaas waxaa Twitter-ka kusoo qortay Zakiya Xuseen, taliye ku xigeenka bileyska.

Waxay raacisay: "Hay'adaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan".

Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay bishii August 31-keedii sannadkii aynu soo dhaafnay 2019, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay "dambiyo culus".

Xariggiisa ayaa waxaa cambaareeyey dowlad goboleedkeediisa Jubbaland oo ku qeexay "afduub iyo talaabo baalmarsan dastuurka qabyadda ah ee waddanka u yaala".

Dhinaca kale, qabashadiisa waxaa soo dhoweeyey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo ku baaqday in maxkamad lasoo taago.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo waxay kasoo xigatay in halka uu ka baxsaday "la geeyay shan maalmood ka hor".

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in goobta uu ka fakaday ay ku dhow xarunta nabad-sugida Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo kaabigana ku haysa Madaxtooyadda.

"Wuxuu adeegsaday meel daaqad ah markii uu baxsanayey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda u waramay VOA-da, oo soo bandhigtay sawir lagu tilmaamay in uu yahay "meesha uu ka baxsaday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM