Dadaalada Deni iyo Qoor-qoor oo laga digay in la carqaladeeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal wadajir ah ku bogaadiyey madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug dedaalada ay ku doonayaan in xal loo helo khilaafka doorashooyinka sanadka 2020-21.

"Golaha Midowga musharaxiinta wuxuu soo dhaweynayaan daddaalka Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Galmudug Md Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Puntland Md Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayaan xallinta khilaafka hannaanka maamulka doorashooyinka dalka," ayay soo qoreen.

Hogaamiyeyaasha maamulada kale ku goobaabiyey in ay kaalin toggan ka cayaaraan qaboojinta is-mari-waaga coddeynta heer Qaran ee loo balansanyahay.

"Goluhu wuxuu hoggaanka labada dawlad goboleed ku ammaanayaa xilka ay sida gaarka ah iskaga saareen xal u raadinta ismari waaga ku xeeran hirgelinta doorashooyinka dalka. Wuxuuna Goluhu si gaar ah u bogaadinayaa Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka dhabeeyey fulinta is afgaradkii bilalwga ahaa ee dhexmaray isaga iyo Golaha," ayay raaciyeen.

Sidda laga soo xigtay bayaankan uu arkay Garowe Online, musharaxiinta ayaa ka digay "isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka Deni iyo Qoor-qoor".

"Goluhu wuxuu madaxda dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqayaa in ay kaalin togan ka qaataan xal u helista khilaafka maamulka doorashooyinka heer federaal ee 2020/21, wuxuuna Goluhu ka digayaa isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, iyo qabashada doorasho aysan heshiis ku ahayn saamilayda siyaasadeed ee dalka," ayay kusoo xireen qoraalka.

Deni iyo Qoor-qoor oo ku shiray Gaalkacyo ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka taagan doorashooyinka heer Qaran ee dalka kusoo fool leh.

Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo waa xubnaha kamid noqonaya guddiyadda doorashooyinka kuwaas oo Villa Soomaaliya faragelisay kuna darsatay saraakiil taabacsan iyo ciidamadda lagu daabulay gobolka Gedo.

Qoraalka musharaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM