Farmaajo oo saxiixey sharciga Batroolka xilli uu khilaaf jiro

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Maxamad Cabdulahi Farmaajo, ayaa maanta saxiixey sharciga Batroolka xilli khilaaf ka dhextaagan yahay qaar ka tirsan maamulada iyo Villa Soomaaliya. 

Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook ku leedahay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegey in Farmaajo qalinka ku duugay sharcigaan markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Xildhibaanada Aqalka Sare ugu jira maamulka Puntland ayaa diidey iney ka qayb qaataan ansaxinta xeerkan, kuwaas oo shir-saxafadeed ay qabteen ka codsadey in Farmaajo uusan saxiixin sharcigaan maadaama qodobo ka horimaanaya Dastuurka ay ku jiraan.

Dhinaca kale, saxiixaan sharcigaan ayaa imaanaya xilli Puntland shalay ku dhawaaqdey in Xildhibaanda labada aqal kaga jira Barlamanada Soomaaliya, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada dhinacayadeeda kala duwan isugu yimaadaan kulan looga arinsanayo khatarta soo wajahdey nidaamka Federaalka iyo ku tagrifalida awoodeed madaxda fadhida Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka Villa Soomaaliya

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAXIIXAY SHARCIGA BAATROOLKA EE JFS

Muqdisho, Febaraayo 08, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

DHAMAAD

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM