Galmudug oo qarka u saaran in ay yeelato laba madaxweyne

Image

GAALKACYO, Galmudug - Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa wuxuu soo saarey warqad ku taariikheysan 3-da Janaayo, 2020-ka, taasoo uu ku magacaabay "Guddi doorasho".

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah "farogelin iyo qas" ay ku hayso habraaca doorashooyinka maamul goboleedkaas.

Xubnahan uu xushay Xaaf oo tiradoodu gaareyso 11 ayaa waxaa ku jirta haweenay lagu magacaabo Sahro Daahir Mire, sidda laga soo xigtay warka qoraalka.

Xaaf oo ku sugan koonfurta magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa faray guddiga "in ay kusoo xaroodaan ugu dambeyn 10-ka Janaayo, 2020".

Guddiga uu shaaciyey Xaaf ayaa lagu waddaa in ay guddoon doortaan 12-ka Janaayo, 2020, iyagoo shaxda doorashooyinka soo bandhigaya 20-ka isla bishaan Janaayo.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili Xaaf uu 2-dii Janaayo, 2020, ku dhawaaqay in uu wakiilnimadii doorashadda kala noqday xukuumadda federaalka ah.

Tani ayaa ka dhigan in Galmudug ay wajaheyso jahwareer horleh isla markaana qarka u saaran tahay in ay yeelato laba madaxweyne maadaama Dhuusamareeb ka dhaceyso doorasho kale.

QORAALKA XAAF

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM