Ilaalo hotel oo loo xukumay dilka taliye ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay dil toogasho ku xukuntay laba kamid ah afar eedeysane oo "lagu helay dilka taliye ka tirsanaa kumaandooska".

Maxamed Suleymaan Abiikar [Maxaadey], taliyihii ururka Gorgor, iyo Ismaaciil Maxamuud Maxamed, oo ilaaladiisa kamid ahaa, ayaa bishii October ee 2019-kii lagu dilay kontaroolka huteel Maa'ida.

Afarta eedeysane ayaa kamid ah ilaalada hoteelka oo horey loo aqooni jiray Naasa Hablood ayna saami ku leeyihiin mas'uuliyiin.

Xasan Shuute Cusmaan iyo Juule Gaabow Ibraahim oo booliska iyo milatarga ka kala tirsan kana mid ahaa ilaalada hoteelka ayaa lagu xukumay dil toogasho kadib markii ay ku cadaatay in ay rideen xabadaha.

Sidda ku xusan warqadda xukunka xeer-beegtada, Xasan Shuute iyo Juule Gaabow waxay wada rideen rasaasta geerida keentay.

Sidoo kale, waxaa min shan sano oo xarig ah lagu riddayMukhtaar Cabdullaahi Muuse iyo Salaad Xayle Macalin oo meesha jooga.

"Ciidii aan ku qanacsaneyn xukunka waxaa u furan racfaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda oo xukunka u mariyey warbaahinta.

Xukunadda ay maxkamadda ciidamadda ku riddo askarta dowladda federaalka ah ee dilalka ku eedeysan ayaa fulintoodu qaadataa waqti badan, waxaana arrintaas ay dhalisay su'aalo aan wali jawaabo cad loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM