Kulankii Laftagareen iyo Swan oo fahfaahin laga bixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Koonfur Galbeed iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa fahfaahiyey kulankii maanta dhexmaray Cabdicasiis Laftagareen iyo James Swan.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Laftagareen ayaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saarey arrimo ay kamid tahay doorashooyinka 2020-21.

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay Qeyb ka ahaayeen Madax ka Socday Hay,addaha IOM iyo OCHA," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa inta uu Socday Waxaa looga Hadlay Arimaha Gargaarka,Saamaynta Ayaxa,iyo Arimaha Doorashooyinka".

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa lagu sheegay in Swan uu bogaadiyey doorka uu Laftagareen ka cayaarayo xal u helida is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21.

Laftagareen ayaa dhowaan codsaday in uu u kala dabqaado dowladda federaalka, maamulada kasoo horjeeda iyo Midowga Musharaxiinta.

"Waxaan dooneynay inaan dhageysano waxa maamulka Koonfur Galbeed ka rajeenayaan kana filayaan UN-ka 2021-ka si aan si fiican uga wada shaqeyno si loo hubiyo baahida dadka," ayuu wakiilka UN-ka ee Soomaaliya James Swan ka yiri shir jaraa'id ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha.

Socdaalka Swan ee Baydhabo ayaa ah lugta koowaad ee socdaal la filayo in uu ku tago magaala madaxyadda caasimadda dowlad goboleedyadda si xal loogu helo khilaafka doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM