Laftagareen oo iskaashi siyaasadeed u tagay caasimada Garowe

Image
Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kuso dhoweyey dhigiisa Siciid Cabdulaahi Dani.

GAROWE, Puntland - Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Khamiista maanta ah waxaa lagu soo dhoweyey magaala madaxda Garowe.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kuso dhoweyey dhigiisa Siciid Cabdulaahi Dani, labadda Golle Dowladda iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada Garoowe.

"Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe isagoona kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada," ayay tiri Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa laga yaabaa in wadahadaladooda kadib ay si wadajir ah ugu dhoofaan magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi ay ku kala kaceen fadhi ay ka yeesheen qadiyada Koonfur Galbeed gaar ahaan doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM