Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada oo ku qulqulaya Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa kusii qul-qulaya magaalada xeebta ku taalla ee Kismaayo, halkaasoo uu ka furmayo maalinta berri ah [Isniinta, 3-da September] shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Gollahan oo ka kooban shanta Madaxweyne ee Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxay kulankooda berri furmaya ay diiradda ku saari doonaan arrimo khuseeya maamulladooda iyo xaaladda guud ee dalka.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah, oo kuwa Kenya ay kamid yihiin dhigay wadooyinka Kismaayo, si ay amniga u adkeeyaan maadaama uu ka furmayo magaalada Shir muhiim ah, oo madax sare ay kasoo qeyb-galayaan.

Qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamul goboleedyada ayaa maanta gaarey Kismaayo, waxaana la filayaa in dhamaan hogaamiye-yaasha ay caawa ku hoydaan magaalada, maadaama uu shirka berri furmi doono.

Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu aas-aasay Kismaayo October, 2017, ayaa kulamo ku yeeshay caasimdaha maamullada, oo ay ugu dambeysay magaalad Baydhabo oo ay ku shireen madaxda bishii May ee sanadkan.

Shirka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Jubbaland iyo dowladda Federaalka uusan wanaagsanayn, islamarkaana uu gaarey meeshii ugu hooseysay, iyadoo Villa Somalia lagu eedeeyay inay ka shaqeynayso sidii lagu bedelo lahaa Axmed Madoobe.

Sidoo kale kulanka waxuu imaanayaa iyadoo Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin, waxaana hogaamiyaasha hadda ka arrimiya maamulladan ay u xusul-duubayaan inay dib ugu soo laabtaan awoodda.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM