Mas'uulkii ugu horeeyay DF oo musuq-maasuq Maxkamad loo soo taagey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Khamiis ah Maxkamadda gobolka Banaadir lasoo taagey mas'uulkii ugu horeeyay oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre, oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Daahir Maxamed Nuur, oo ahaa madaxa waaxda dib u dejinta Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa xabsiga la dhigay bishii July ee 2018, isagoo lagu soo oogay dacwad ah inuu lusaday $84,000 oo loogu tala-galay barakaciyaasha.

Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed, oo ah gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maxakamadda sidoo kale dhageysanayso eedeymo musuq-maasuq oo loo heysto Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha gargaarka, Maxamed Cumar.

Eedeysanaha labaad, Maxamed Cumar ayaa kiiskiisa la dhageysanayaa isagaa maqane ah, oo aan ku jirin gacanta hay'adaha amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa shaaciyay in dhageysiga labaad ee kiisasaka Musuq-maasuq u farisan doonaan 5-ta bisha soo socota ee October, iyadoo xilligaasi laga gaari doono go'aan kama dambeys ah.

Soomaaliya ayaa wali safka hore kaga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana tani loo sababeeyay isla-xisaabtan la'aanta iyo inaysan ka jirin dalka dowlad awood u leh oo xaaladda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM