(GO) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in hoggaamiyaha mucaaradka, Gadi Eisenkot, uu marka hore qabto xilka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la dhisayo dowlad midnimo qaran oo labada hoggaamiye ay xilka ku kala wareegayaan.

Netanyahu ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhinac iska dhigo danihiisa siyaasadeed, sababo la xiriira khataraha amni ee Israa’iil wajahaysa.

Soo jeedintan ayaa timid xilli Eisenkot uu horumar ka sameynayo dhismaha dowlad cusub oo meesha ka saari karta xukuumadda Netanyahu.

Hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa durba diiday soo jeedinta Netanyahu, halka Eisenkot aanu weli si rasmi ah uga jawaabin.

GAROWE ONLINE