Tabta cusub ee Al-Shabaab malaayiinka Doolar ku aruur-saneyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo la cunaqabateeyay, Al-Shabaab ayaa malaayiin Doolar kaga dhex-sameyneysa Soomaaliya maalgashiga hanti ma guurto ah iyo isticmaalka bangiyo maxali ah, sidda ay tilmaameyso warbixin cusub.

Maalgashiga ganacsiga ka kala socda suuqa weyn ee Bakaaraha kuna yaala magaala madaxda Muqdisho, ayaa, sidda ku cad warbixina, waa qeyb kamida qaababka cusub ee argagixisada dakhliga ku halayso.

Koox ka kooban lix xubnood oo fadhigoodu yahay caasimada Kenya ee Nairobi, ayaa warbixintooda aan wali la faafin waxay ku xuseen in maleyshiyada heshay $13 milyan December, 2019 illaa August, 2020.

Sidda ku cad qormadda, meelaha dakhligan ka yimid waxaa kamida $2.4 milyan oo ka soo xarootay jid-gooyooyinka gobolka Jubada Hoose iyo $5.8 milyan oo kaga timid ganacsi ay canshuureen kana soo degtay dekada Kismaayo.

Marsada caasimada ku taala ee Muqdisho ayaa kamid ah meelaha aan warbixinta lagu xusin balse Al-Shabaab ay dhaqaalaha badan kaga soo xarooto taas oo ka dhigan in ururka uu u muuqdo mid isku rogaya "dowlad kale".

Warbixinta oo uu si gaar ah u helay wargeyska New York Times ayaa waxay wadataa caddeymo ay kamid yihiin rasiidhada lacagaha la kala wareejiyey mudadaas.

"Laba bangi oo gacansaar la leh Al-Shabaab – kuwaasoo shirkadaha maraakiibta iyo dulaalada baabuurta kula shaqeeya tafaariiqley ahaan – ayaa uruuriyey $3 milyan oo Doolar," ayuu jaraa'idkan laga leeyahay Mareykanka wariyey.

Xilli risiidhada la baarey ay gaarayaan 128, kala wareejintan lacageed ayaa lala xiriiriyey Salaam Somali Bank oo xaruntiisu tahay Muqdisho. Maamulka Bangigan wuxuu ku adkeystay in uu dabagal ku sameeyay akoono ay tuhmeen.

Wallow aysan meesha ka saarin in ay jiri karaan akoono xiriir la leh xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ee Al-Qaacidda, haddana waxay tibaaxeen in ay ka taxadaaraan shaqsiyaadka iyo hay'addaha xayiraadda.

Dowladda Soomaaliya oo ay dharbaaxo ku tahay warbixintan cusub maadaama ay sawireyso fashilkeeda in aysan la socon dhaqdhaqaaqa bangiyada ayaa walaac ka muujisay tabta cusub ee xoogaga hubeysan ay hindisteen.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa imaaneysa xilli waddanka uu doorasho u dareerayo isla markaana ay jirto cabsi ah in Al-Shabaab ay ku yeelato murashax iyaddoo adeegsaneysa awood dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse: Waxaan fulinaynaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu jiro Ramadan

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka warhayaan wararka been abuurka ah iyo male-awaalka ay faafinayaan argagixisadu.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 02:16PM

Masar oo saldhigyo Militeri ka dhisanaysa Soomaaliya

Lama shaacin halka ay Ciidamada Masar saldhigyo ka dhisan doonaan, balse waxaa Muqdisho soo gaarey dhawaan hub iyo agab militeri.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 01:58PM