Taliyaha NISA oo ku hungoobay isku day uu rabay in uu kula kulamo Deni

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa isku dayey in uu madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kula kulmo hoyga uu ka degan yahay caasimada Muqdisho.

Sidda uu ogaadey Garowe Online, isku daygaas ayaa fashilmay kadib markii xafiiska Deni uu ku wargeliyey Yaasiin in aysan jirin balan horey u dhexmartay labadooda oo ah in uu arko madaxweynaha.

Madaxa hay'adda NISA ayaa horey siyaabo kala duwan oo qarsoodi ah wuxuu ula shiray hogaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, iyo madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay gacanta midig ee Farmaajo in uu si baaxad weyn ugu dhex-milmay siyaasadda waddanka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa magaala madaxda u jooga wadahadalada arrimaha doorashooinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21.

Fahad Yaasiin ayaa ah shaqsiga ugu tunka weyn dowladda haatan waqtiga kasii dhamaanayo, wuxuuna gaaraa go'aanka ugu dambeeya, waana ninka Qadar kasoo qaadey maalgelinta ololihii Farmaajo 2017-kii.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la kulanka Farmaajo waxay shuruud uga dhigeen in ciidamada dowlada laga soo saaro gobolka Gedo iyo in shirka ay kusoo biiraan madaxda maamuladda kale.

Dhaqdhaqaaqyada uu Fahad Yaasiin Daahir waddo ayaa salka ku haya sidii uu u kala dhan-taali lahaa shuruudahaas oo culeyska ku kordhiyey Villa Soomaaliya oo horey loogu dheganaa in aysan wali soo magacaabin ra'iisul wasaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 08:41AM

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM