Xildhibaano loo yeeray iyo Mooshinka Jawaari Cod loo qaadayo [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa u yeeray Xildhibaanada ku maqan dibadda, si cod loogu qaado Mooshinka Jawaari.

Muudey ayaa u yaarey Xildhibaanada maqan, iyo sidoo kale kuwa fasaxa ku jira, oo uu ku amray inay si deg deg ah kusoo xaadiraan Muqdisho, maadaama dhawaan cod loo qaadayo Mooshinka Jawaari.

"Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog iyo meel dhaw meel kasta oo ay joogaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku yimaadaan, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaana waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa, anigoo ah ku-simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, ahna Gudoomiye ku xigeenka kowaad," ayuu yiri Cabdiwlei Muudey.

Dhanka kale, Muudey ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay ilaaliyaan heybadda iyo karaamadda Gollaha Shacabka iyo xeer hoosaadkiisa, iyadoo la ogeynin nin jeclaysi iyo danaha gaarka ah, maadaama ay ka mas'uul yihiin shacabka.

Baaqa Cabdiweli Muudey ayaa kusoo beegmaya xilli Muqdisho ka jirta Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay Mooshinka ay Xildhibaano ka keeneen Jawaari, kaasi oo Gollaha Shacabka ku kala qeybsamay.

Xildhibaanda dabada ka riixaya mooshinka ka dhanka ah Jawaari kuwasoo tageero ka helaya Xafiiska Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa cabsi ka qaba madaama codku qarsoodi yahay in tirada, Xildhibanada jooga ku tiro ahaan gaari waayaan 184 cod taasoo xilka uu ku waayi karo Afhayeenka aqalkaan.

Jawaari oo dhawaan hadlay ayaa sheegay inuu ogol yahay Mooshinka laga soo gudbiyay, wuxuuna ku baaqay in cod loo qaado mudo 10 maalmood ah, sidoo kalena xarunta Baarlamaanka laga dul-qaado Ciidamada la dul dhigay.

Xiisadda taagan ayaa waxay saameysay shaqooyinkii Xukuumadda, oo Wasiirada katirsan ee Xildhibaanada ah ay qeyb ka yihiin Xildhibaanada mucaaradka ah ee saxiixay Mooshinka xilka looga qaadayo Jawaari.

Aqalka Sare iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wado waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu dhamaynayo khilaafka taagan, iyadoo aan la ogeyn in dhex-dhexaadinta socota ay baajin karto mooshinka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM