Shabakadda maleegtey afduubkii Silvia Romano oo la aqoonsadey
ROMA, Italy - Saddex sano ka hor, May 10, 2020, Silvia Romano, oo ah gabadhii lagu afduubay Kenya November 2018, loona qaaday Soomaaliya, ayaa ku soo laabatay gurigeeda magaalada Milano, markii laga soo badbaadiyey kooxihii afduubtay.
Silvia waxay ku laabatay Talyaaniga iyadoo Muslim ah. Waxa ay guursatay saaxiib ay is garanaysay ka hor inta aan la afduubin. Hadda kuma noola Milan balse waxay u guurtay meel aan ka fogayn.
Illaa haatan, dowladdaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Kenya ma bixin tafaasiil ku saabsan qaabka loo qafaashay, qaabka loosoo badbaadiyey iyo cidda mas'uulka ka ahayd afduubka haweeneydan ka shaqeyneysay arrimaha samafalka.
Jawaabaha su'aallaha ku xeeran kiiskan
Wargeyska Africa ExPress oo baaritaan ku sameeyay qaddiyadan ayaa daaha ka qaadey jawaabaha qaar kamid ah su'aallaha ku wareegsan kiiskan kadib baaritaan qoto-dheer oo uu ku sameeyay qaabka ay wax u dhaceen.
Warbixinta Jariiradan oo ciwaan looga dhigay "madaxii kumaandooska ee afduubtay Silvia" ayaa lagu soo bandhigay magacyadda shabakadii ka dambeysay afduubka gabadhan iyo dhamaan goobihii ay mariyeen kahor inta aysan dejin nawaaxiga Muqdisho.
27-sano jirtan ayaa bishii November 20, sanadkii 2018 waxaa laga kaxeystey tuuladda Chakama oo qiyaastii boqol kilomitir u jirta magaalada Malindi ee waddanka Kenya halkaasoo ay howla-samafalnimo ay u joogtey.
Maskaxda isku-dabariday shirqoolka
Sida laga soo xigtey warbixinta Africa ExPress, shabakad kumaandoos ah oo ka kooban shan illaa todoba xubnood ah ayaa ka dambeysay afduubkaas, waxaana hogaaminayey nin magaciisu yahay Ibraahim Cadan Cumar.
"Iyadda oo magacyadda afar ama shan kale aan wali la garan marka laga soo tago Moses Luari Chende iyo Abdulla Gababa, horjoogaha shabakada waxa uu ahaa Ibraahim Cadan Cumar kaasoo maleegay weerarka iyo afduubka," ayay raacisay.
Ibraahim ayaa lagu guuleystay in meel u dhow magaaladda Garissa ee gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Waqooyi-Barrilaga soo qabto bartamihii December, 2018-kii. Waa muwaadin Soomaali ah balse qaatay dhalashadda Kenya.
Lacagaha ay kala qaateen shabakadda
"Inkasta oo dambiyo fara badan ay rikoorka ugu jireen, damaanad 27-kun doolar ah ayaa lagu sii daayay," ayay raacisay warbixinta. "Hal mar ayaa maxkamad lasoo taagay, kadib waa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay".
Moses Luari Chende oo kamid ah magacyadda la aqoonsadey ee ku lugta lahayd afduubka ayaa kamid ahaa burcad horey loogu eedeeyay in ay ugaarsadaan baroodiga isla markaana uu aad u kala yaqaano dhulka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Markii lasoo qabtey bartamihii bishii December sanadkii 2018-kii, Moses ayaa u sheegay boolisa in shaqada ay qabteen ku qaatay aduun lacageed dhan $900 ayna aragtida Salvia ugu dambeysay habeenka maalintii uu afduubka dhacay.
Shaqaalihii lagu cidleeyay jeelka dhexdiisa
"Damaanad 27-kun doolar ayaa xabsiga looga sii daayay. Laakiin si ka duwan Ibraahim, isaga ma uusan baxsan," ayay warbixinta raacisay. Qiraalkiisa booliska waxaa ku jirtay in si qiyaano ah looga tagay subaxdii.
Abdulla Gababa Wario oo sh shaqsiga saddexaad ee ku lugta lahaa afduubka ee la aqoonsadey ayaa lagu waramay in uu ahaa shaqaale caadi ah balse uu horey u geystay dambiyo ay kamid yihiin xatooyo.
"Isaga waa qofka kaliya ee kamid ahaa shabakadda ee waayay saaxiib diyaar u ahaa in uu ka bixiyo lacagta damaanadda. Illaa haatan waxa uu ku jiraa xabsi isaga oo aan sharaxi karin sababta uu kumaandoostaas uga mid ahaa," ayay majaladda qortey.
Goobta ay kaga sugneyd gudaha Soomaaliya
Sidda laga soo xigtey illo wareedyo dhanka mukhaabaraadka, Silvia oo markii dambe la baxsadey magaca Caasho ayaa la aaminsan yahay in ay maalmo ku qaadatay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya kahor inta aan lagu wareejin Al-Shabaab.
"Sohdinta way xirneyd. Markii ay kormeerka uu ka joogsadey xuduudka, qeybtii koowaad ayaa u talaabtey Soomaaliya, hase ahaatee, waxay ku nagaadeen koonfurta isticmaarkii hore ee Talyaaniga," ayay warisay xogta.
Silvia ayaa markii dambe waxaa loo gudbiyey caasimada Muqdisho gaar ahaan magaaladda dekadda lah ee Marka halkaasoo ciidamadda sirdoonka Turkiga iyo Soomaaliya ay kasoo badbaadiyeen isla markaana ku wareejiyeen dhigooda dowlada Talyaaniga.
GAROWE ONLINE