Gaas oo Agaasime guud u magacaabey Wasaarada Waxbarshada Puntland

Image

GAROWE- Kadib markii muran iyo is-qabqabsi u dhexeeya madaxda sare ee Wasaarada Waxbarshada Puntland gaarey heerkii ugu sareeyey kasoo uu sababteeda uu lahaa Madaxweyne Gaas ayaa saaka waxaa uu u magacaabey Wasaarada Waxbarshada Puntland Agaasime cusub.

Go’aanka Madaxweyne Gaas ayaa u muuqda mid uu ku taageerey Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada oo horey shaqada uga joojiyey agaasimaha la badalay.

Maxamad Farax Farmayeeri ayaa horey Wasaarada Waxbarashada Puntland uga shaqeyn jirey.

Sida warsidaha Garowe Online shaaciyey khilaafkaan ayaa waxaa xudun u ah Wasiiru dowalaha Wasaarada Yaasiin Cabdi Seed Halkaan ka akhri  .Khilaafkaan ayaa sababey in maalmo ka hor Wasiiru dowlaha iyo ku xigeenka Wasaarada shaqada ka joojiyeen agaasimaha guud taasoo sababtey in Wasiirka dib ugu soo celiyo shaqada maalintii shaley.

Madaxweynaha Puntland ayaa faragalintiisa khailaafkana mar kale waxay timid xilli warsidaha GO daga ka qaadey daaha isqabqabsiga u dhexeeya madaxda Wasaarada iyo saameynta uu Cabdiweli Gaas ku leeyahay. Halkaan ka akhri 

Gaas ayaa talada Puntland inta uu hayay  waxaa kor u kacay musuqmaasuq saameyn balaaran ku yeeshey hay’adaha dowlada Isagoo xilal kala duwan u magacaabey shaqsiyaad xiriir gaar ah ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM