Al-Shabaab oo weerartey degaan uu dhowaan tagay Xasan Sheekh

Image
Ciidamadda Soomaaliya ayaa dalbadey duqeymo diyaaradeed kadib markii dagaalka xoogeystay.

JOWHAR, HirShabelle - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in Khamiista maanta ah ay weerareen ciidamadda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee ku sugan degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in iska-hor-imaad culus uu dhexmaray dhinacyadda kaasoo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac balse aan wali la xaqiijin tiradda.

"Dagaalka wuxuu bilowday saaka wuxuuna soo gaarey barqadii. Hub noocyadiisa kala duwan ayaa la isku-adeegsadey. Khasaaro wuu jiraa balse lama tagi karo meesha," ayuu qof dadka degaanka kamid ah.

GO ayaa ogaadey in diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ciidamaddu dalbadeen kadib markii dagaalka uu xoogeystay ay isla aaggaas ka geysteen duqeymo ay la beegsadeen xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Nuur-dugle ayaa kamid ah degaanadda dhowaan laga saarey Al-Shabaab. Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore wuxuu booqdey tuuladan isaga oo bogaadiyey "kacdoonka shacabka".

Lama ogga waddanka laga leeyahay diyaaradaha drone-ka ah. Balse, bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa duqeymaha fulinayey dowladaha Mareykanka iyo Turkiga. Labada dhinac illaa haatan ma aysan hadlin.

Dhanka kale, ciidamadda dowladda ayaa lagu waramay in wadada u dhaxeysa degaanadda Xiin-dheere iyo Qaayib ee Galmudug ay qarxiyeen saddex miino oo la rumeysan yahay in ay Al-Shabaab ku aaseen.

"Markii uu kordhay shakiga laga qabo jidka, ciidamadda ayaa tiro xoolo lo' ah ku kaxeeyay wadada markaasoo ay qaraxdey miinadda ayna waxyeelo kasoo gaartey xoolahaas," ayuu yiri wariye ku sugan degaanka.

Galmudug iyo HirShabelle ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka codsadey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay iska-kaashanayaan ciidamadda dowladda iyo dadka degaanka isla markaana Al-Shabaab looga saarey dhul badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM